Ardayda Dugsiga Gacmo Dheere Oo Maanta Booqasho Aqoon Korodhsi ah U Tagay Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa.(Sawiro)

Hargeisa(GNN):-Ardayda oo ay Horkacayeen Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga gacmo dheer oo kamida Dugsiyada Hoose ee Dhexe Caasimada hargeisa ayaa Maanta Booqasho iyo barashada dhaqanka u tagay Xarunta Dhaqanka ee hargeisa.

Waxa ka soo  qayb galey Booqashadan ardaydu ay ku tageen xarunta dhaqanka waalidiinta, Ardayda , macalimiinta ,kormeerka dugsiga, maamulka dugsiga, Guddomiyaha Gobalka,

Waxaana Halkaasi Ardayda kusoo dhaweeyey Xarunta Dhaqanka Guddomiyha Xarunta Dhaqanka Jaamac Muuse jaamac  iyo masuuliyihiin kale oo xilal kala duwan haya,

ugu Horeyn Waxaa halkaasi ka Jeediyey madasha Lagu soo dhaweeyey Ardayda Dugsiga Gacmadheere Maamulka Dugsiga oo uga Mahadnaqay Madaxda Xarunta Dhaqanka Sida Wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen.

Waxaana Halkaasi Khudbado kala duwan oo ay Madaxda Xarunta dhaqanka iyo Masuuliyiin kale ardayda u jeediyeen ayaa u badnaa dhiirigalin iyo dardaaran inaaney Marnaba ka niyad jabin dadaalka waxbarashada iyo Ilaalinta dhaqankeena wanaagsan, Dhanka kale  iyaguna Waxaa  Sidoo kale halkaa Kusoo  bandhigay Ardayda Hiboda iyo Hal-abuurka leh oo soo jeediyey Gabayo, Heeso ,Buraan buro ,ay ku dhiiri galinayaan Dhaqanka iyo Hiddaha,   Booqashadan ayey ku lamaaneyd sidii da’yarta Waxbarashada ku Jirta loogu Dhiirigalin lahaa Horumarinta afka soomaaliga iyo Barashada Hidaha iyo Dhaqanka Ay Bulshada Soomaalidu Caanka ku Tahay.

Booqashadan Ardayda Dugsiga MAXAMED HASAN ADAN( GACMA DHEERE). Ku Tageen Xarunta Dhaqanka ee Magaalada Hargeisa Ayaa Noqonaysa Talaabooyinka kor Loogu Qaadayo Garaadka iyo Kobcinta Maskaxda Da’yarta Waxbarashada ku gudo jira.