Bahalbaa Arlada Jira Baylahda Arkaaya…! W/Q: Mohamed Gacayte

Cudurka COVID19 oo faafidiisu xawaare sare ku socda ayaan wax daawo ah lahayn, kaliya waxa lagaga hortagi karaa waa feejignaan bulsho, fayodhar wanaagsan, flightka oo la hakiyo iyo xadka oo la xidho mudo cayiman. Hadaba mar hadii wadamo badan oo dadkeena dibada ku nool ka yimaadaan laga helay xanuunka Coronavirus waxa muhiima in xukuumada iyo guddida loo xilsaaray hawshan go’aan degdega kasoo saaraan. Dhinaca kale markaad eegto warbixinta WHO waxay sheegtay in qofka ugu horeeya ee wadan kasta xaqiijiyey inuu cudurka COVID19 qabo yahay qof dalka soo galay oo ka yimid China ama wadan kale oo cudurkani gaadhay. Alxamdulilah, Ilaahay haynaga haye Somaliland wali lagama xaqiijin, balse dariskeena Ethiopia, Djibouti, Somalia iyo Kenya intaba waa laga helay dad xanuunka qaba. Reer Somalilanoow maahmaahba tidhaa “Hal Fadhida Lagdini La Fudud” sibaynu wax u dhayalsanaaye indhaha kala fura oo haloo midoobo sidii aynu dadkeena uga badbaadin lahayn aafadan aduunka saamaysay, haloo hogaansamo awaamiirta iyo talooyinka dhakhaatiirta iyo Guddida Qaran ee loo magacaabay oo yaan la fudaydsan. Dadka ka imanaya wadamada xanuunka laga helay haw tudhaan umadooda oo ha iskaran timeeyaan. Dhamaanten Masuuliyad ayaa inaga saaran badbaadinta nafaheena, qoysaskeena iyo bulshadaba. Guddida heer Qaran ee hawshan loo xilsaaray waxaan leeyahay talaabooyinka aad ilaa imika qaadeen kuma filna ka hortaga iyo xakamaynta wadooyinka uu soo raaco xanuunkani. Kolka wxn leeyahay dadaal iyo daraasad inta ka badan oo ku salaysan waaqaca dhabta ah iyo duruufaha ku gedaaman oo go,aano wata. Waxa laydinka baahan yahay warbixin joogta ah oo daahfuran si bulshadu ugu baraarugsanato halkay wax marayaan, wixii tilmaamo iyo tusaale ahna loogu gudbiyo. Ilaahay ayaa wax badbaadiyee Alle hayna badbaadiyo, Xaga Ilaahay aynu u noqono, halays cafiyo oo camalka wanaagsan iyo cibaadada aynu badino. Wabilahi tawfiiq.

W/Q: Mohamed Gacayte
Dirsane Arimaha Bulshada ah
Gacayte09@gmail.com.
Hargeysa/ Somaliland.