Booliska Kenya Oo Xabsiga U Taxaabay Xildhibaano Soomali Ah Oo Muqdisho Booqday

Xildhibaano ka mirsan baarlamaanka Baarlamaanka Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Wilson ee Magalada Nairobi, waqti ay ka soo laabteen safar qarsoodi ahaa oo ay ku tageen Muqdisho

Xildhibaandan xidhan ayaa tiradoodu waxa lagu sheegay sedex xildhibaan, waxana saraakiisha boolisku ay wariyeen inay su’aalo dheeraad ah ka waydiinayaan safarkoodaas Muqdisho oo maalmahan dambe ahaa mid ay Kenya ka biyo diidsan tahay cid walba oo macaamil la yeelata dawlada faderalka Somalia ee Muqdisho Fadhigeedu yahay.

Dhowr gawaarida ay leeyihiin Ciidamada Dembiyada culus iyo unugyada booliiska ee la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa lagu arkay garoonka diyaaradaha Wilson halkaasoo sideedda su’aalo lagu weydiinayo.

Sida uu baahiyey Tv-ga Citizen ee dalka Kenya Xildhibaannadaan ayaa Sabtidii todobaadkaan waxaa ay yimaadeen maagalada Muqdisho,isla markaana ay saaka oo Axad ah ay dib ugu laabteen Magalada Nairobi.

Sidoo kale tv-ga ayaa sheegay in Sideeda Xildhibaan ay booliska Kenya hayaan macluumaad sheegaya in intii ay ku sugnaayeen muqdisho ay la kulmeen Madaxda Sare ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee NISA.

Tallaabada ay Ciidanka Booliska qaadeen ayaa la sheegay inay qeybka tahay xiriirka Diplumaasiyadeed cakiran ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sideeda Xildhibaan ayaa Booliska waxaa ay wax ka weeydiinayaan nooca safarka ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho haddii uu ahaa mid gaar ah ama mid rasmi ah, taas oo markaa ay ahayd in la ogeysiiyo Afhayeenka Golaha Qaranka.

Booliska ayaa sidoo kale waxa ay su’aalo waydiinayaan 8 Xildhibaan oo kale oo kala ah Ahmed Kolosh (Wajir West)

Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West) iyo Kullow Maalim (Banisa).