“Caqliga Dadka Yaan La Caayin” W/Q:-Maxamuud Xuseen Jamac.

Somaliland wakhtigan suurta gal matahay in la yidhaahdo waxay ku kala bixiwayday, sharciga dalka, soo jeedintii civil society IYO aqoonyahanka iyo culumada somaliland.?

Sidoo kale waxa lagu kala baxayaa in la qaato fikirka Beesha caalamka, iyo arinta la xidhiidha Soo jeesintii Safiirka E,U Nicolas Berlanga oo inoo samaynaya khariirada siyaasada lagu soconayo sida Ka muuqatay qaar Ka mid ah qodobadii la isla qaatay ee xalinta khilaafka xisbiyada siyaasada oo xal Ka laga dhigay “win to win” adna gar lihid adna gar lihid taas oo xisbiyada qaranka ee muranka siyaasadeed isku mari la,aa ayaa si wayn ay arintaas u Soo dhaweeyey.

Heshiiska oo ay ay kala sexeedeen gudoomiyashaa sedexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani IYO Ucid dalkana uu yeesho
gudiyo Badan oo u eg Buudhiga lagu xidho Baaburka isjiidka ah, oo ka KOOBAN BEESHA CAAlAMKA IYO KOMISHANKII HORE IYO KOMISHANKII DANBE.

Image may contain: 1 person

muranka siyaasadeed ee Somaliland oo inta badan soo noqnoda waxaa sababta sadexda Xisbi qaran dalka ka jira, arintaa la xidhiidha Yooyotanka siyaasada ee ka dhex taagan ayaa waxay u egtahay Beer lagu magacaabo AYAAN DARAN waxa si fiican looga Beeri jiray noocyada kala duwan ee Hadhuudhka, beertasi waxay ku taala dhinaca GalbeedkaTuulada Gorayo-cawl.
Laakiin nasiibdaro Beerta waxa kala qaybiyey Xadka labada Dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Caqabadaha ugu badan ee soo wajahay Beerta Ayaan daran loo bixiyey waxa ka mid ah Canshuuro badan oo ay ka qaadan labada maamul ee Somaliland iyo Ethiopia.
maamuladas ayaa amaro kala duwan ku soo Rogi jiray dadkii Beerta lahaa ee wax Ka beeran jiray sidaasa Beertii loogu bixiyey magaca AYAAN DARAN

W/Q:-Saxafi Maxamuud Hussein Jama.