Ciidamada Kenya Oo Somaliya Ka Baxaya

Dowladda Kenya ayaa la filayaa maalmaha soo socda inay bilawdo wada hadalada ka bixitanka howlgalka midowga afrika ee Soomaaliya (Amisom), sida ay ogaatay The Nation.

Wada hadalo ay hogaamineyso Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa waxay qeyb ka tahay in ciidamada Amisom ay Soomaaliya ka baxaan 2021, sanadkaas oo la filayo in howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda Soomaaliya la soo gabagabeeyo.

Wadahadalka ayaa ujeedadiisu tahay in la soo afjaro ku dhawaad sideed sano oo ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay gudaha ugu jireen Soomaaliya tan iyo Actobar 2011.

Kenya ayaa aaminsan bixitaanka ciidamadeeda inuu yarayn karo weerarada argaggixisada ee Alshabaab.

Wadahadalada ayaa imanaya xili dagaalo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland  ay ka dhaceen xadka labada dal.