Culimada Oo Bilaabay Fulinta Tallaabooyinka Lagaga Gaashaamanayo Xanuunka Coronavirus

Hargeisa(GNN):-Imaanyada Masaajiddada ku yaalla Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa ayaa dhaqan-geliyey Awaamiirtii ka soo baxday Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Caabuqa Corona-virus.

Guddiga uu Madaxweynaha Somaliland u Magacaabay u diyaar-garowga ka hor-tagga Coronavirus ayaa toddobaadkii hore u soo jeediyey Imaanyada Masaajiddada Dalka inay soo koobaan xilliga la fadhiyo Masaajiddada ee la sugo Salaadaa ama inta u dhaxaysa Aadaanka iyo Gelidda Salaadaha, si looga digtoonaado Cudurka Coronavirus, taasi oo dhaqan gashay.

Shalay oo kale, Imaamyada Masaajiddada Caasimaddu waxay soo koobeen Khudbadihii Salaadda Jimcaha, halkii ay awal hore ka dheerayn jireen, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga hor tagayo Caabuqa Coronavirus oo faro-baas ku haya dunida, sida la sheegayna soo gaadhay Dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya oo ay xuduud wadaagaan Somaliland.

Culimadu waxa kale oo ay bilaabeen inay Shacabka ku wacyi-geliyaan Nadaafadda, taasi oo qayb ka ah ka hor-tagga Coronavirus “Arrimaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah inaynu nadaafadda ilaalino, imika waxa la yidhi Saabuun iyo biyo ku faro-xasha, Islaamkuna wuxuu innagu yidhi Mar walba is nadiifiya, Waysadeenu waa nadaafad, Cadayashadeenu waa nadiif, Jidh maydhashadu waa nadiif, Masaajiddada iyo Jidadka Nadiifiya ayaa la innagu yidhi, Maaha Maanta uun weligeedba nadiifiya ayaa la yidhi. Markaa nadaafadda inaynu ilaalinaa waa waajib.” ayuu yidhi, Sheekh Maxamed Aadan oo ah Khadiibka Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee Culimadu sameeyeen waxa ka mid ah inay joojiyeen isku imaanshiyihii Dadweynaha.

Tusaale ahaan, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa joojiyey Casharkii Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, taasina waxay qayb ka tahay Dedaallada lagaga hor-tagayo cudurka Coronavirus oo Dad badan dunida ku dilay Afartii bilood ee u dambeeyay.