Dhibaatada Soo waajahda Hooyooyinka Uurka Leh iyo Kuwa Umusha ah Ee ka Shaqeeya Villa Somalia.

Muqidisho(GNN):-Toddobaad kasta lix maalmood oo ka mid ah ayey tagaan shaqada Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna aroor walba ugu dambeyn ay shaqada galaan 7:30 am ee subaxnimo.

Qaar kamid ah shaqaalaha ayaa noo sheegay in saxiixa suulka ee shaqada uu ku egyahay 7:30 am ee subaxdii haddii la dhaafana uusan shaqeynin waxaana shaqada laga soo baxaa 3:30 pm ee Galabtii.

Sharcigaan ayaa si siman u qabta Haweenka uurka leh, kuwa caruurta nuujiya iyo guud ahaan shaqaalaha kale ee Villa Somalia. Haweeney kamid ah shaqaalaha dowladda ayaa noo sheegtay in haweenka markii la arko in ay aad u il daran yihiin la fasaxo 2:00 Pm ee duhurka kadib ,laakiin aysan jirin maalmo fasax ah oo la siiyo haweenka uurka leh iyo kuwa caruurta nuujiya.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in shaqada laga ruqseeyo qofkii uu saddex jeer dhaafo saxiixa shaqada lagu galo, waxaana arrintaas ku dhiban Haweenka oo ay u dheertay daryeelka caruurta iyo shaqada Guriga.

“Haweenka waxaa laba bil la fasaxaa kuwa foosha ah waxaana la fasaxaa markii ay galaan xaalada dhawaashaha Foosha, 60 cisho kadibna waa ku waajib ay soo shaqo gasho” ayey Warbaahinta  u sheegtay Haweeney ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Cadaadiskaan ayaa xoogiisa waxa uu saameeyaa shaqaalaha aan rasmiga aheyn ee qaata Gunada. Sidoo kale dadkaan ayaan joogto u helin lacagta Gunada ah oo ay qaataan bishii sida ay noo sheegeen qaarkood.

Arintaan ayaa xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha iyo dhaqanka Soomaalida waxa uuna saameen weyn ku yeelanaya daryeelka caruurta iyo haweenka uurka leh oo aad ugu nugul xanuunada iyo dhibaatooyinka kale.