Dhuux Cali Aqli Hooyo U Soo Halgantay Hormarinta Waxbarashada Wajaale Oo Mudan Mansab Sare

Wajaale(GNN)Maqaalkan Waxa Aynu Tilmaamo Iyo Fasiraad Kaga Bixinanaa Qofka Ay Tahay Dhuux Cali Caqli Oo Ah Hooyo Mudo Badan Ku Heelaneeyd Gargaarka Waxbarashada Iyo Caawinta Soo Bixitaanka Ardayda Waxka Barta Dugsiyada Waxbarashada Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley.

Hooyo Dhuux Cali Caqli Waxay Sanadii 1969 Ku Dhalatay Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Ee Jamhuuriyada Somaliland.Waxayna Ku Soo Barbaartay Isla Degmada Wajaale Oo Aanay Meelna Uuga Dhoofin Wadan Jaceyl Waxay Ka Qabto.

Hooyo Dhuux Cali Aqli Waxay U Adeegista Waxbarashada Kusoo Biirtay Sanadkii 1991 Iyadoo Marka U Guntatay In Ay Cilmiga Ay Baratay Uga Faa.idayso Shacabka Reer Somaliland Ee Kasoo Noqday Dagaaladii.Waxayna Ahayd Macalimiinta Waxdhigista Ka Bilaabay Geedaha Hoostooda.

Hooyadan Ayaa Macalimad Dhigta Maadooyinka Xisaabta Iyo Soomaaliga Ka Soo Noqotay Dugsiga Hoose Ee Mahdi Cali Ee Degmada Wajaale Mudo 10 Sano Ah. Ardaydii Wakhtigaa Dugsiga Waxka Baranayay Aadbay U Taageeri Jireen Macalimad Dhuux Cali Aqli Oo Aheyd Macalimad Aqoondurugsan Uleh Fahansiinta Iyo Dhigista Casharada Maadooyinka Ay Baraha Ka Tahay.Ardayda Xiiso Gaar Ah Ayay Ulaheyd Xiisadaha Ay Hooyo Dhuux U Dhigi Jirtay Ee Ku Saabsana Maadooyinka Xisaabta Iyo Soomaaliga.

Kadib Markii La Arkay Dadaalka Dheeraadka Ah Ee Ay Dhuux Cali Aqli Ka Waday Dugsiga Mahdi Cali Waxa Durtadiiba Loo Caleema Saaray Maamulaha Guud Ee Dusgiga Hoose Ee Mahdi Cali Si Ay Kor Ugu Qaado Hanaanka Maamul Wanaag Ee Dugsigaasi.Waxay Markiiba Qaabeeyn Iyo Nidaam Waxbarasho Oo Jaan Qaaday Ka Sameysay Dugsiga Maamulaha Loo Dhigay Iyadoo Ku Guuleystay In Ay Iskuylka Xeyndaab Ama Deyr U Sameyso.Iyo In Ay Soo Saarto Arday Tiro Badan Oo Ku Liibaanay Nidaamka Waxbarasho Ee Ay Hogaanka U Haysay Iyo Deganaanta Maamul Iyo Ee Ay Dugsiga Sumcada Iyo Sharafkiisa Kor Ugu Qaaday.

Hooyo Dhuux Cali Aqli Markii La Arkay Masuuliyadeeda Haboon Ee Ay Ka Soo Dhalaashay Maamulka Dugsiga Hoose Ee Mahdi Cali Waxa Hadana Loo Cugtay In Ay Noqoto Maamulaha Dugsiga Dhexe Ee Xasan Cawke Oo Ay Isna Mudo 10 Sano Ah Ka Aheyd Maamule Isla Mar Ahaantaana Ay Soo Saartay Arday Aqoonyahano Ah Oo Kaalmaha Hore Ka Gali Jiray Imtixaanada La Qaadi Jiray.Waxay Dugsiga Usameysay Nidaam Kala Danbeyneed Oo Loo Bogay Iyadoo Macalimiinteedana Ku Boorin Jirtay In Ay Diirada Saaraan Sidii Loo Soo Saari Lahaa Arday Ka Mid Noqda Hogaamiyayaasha Jamhuuriyada Barakaysan Ee Somaliland.

Waxa Xusid Mudan In Hooyo Dhuux Cali Aqli Ayna Marna Ka Taanaasulin In Ay Dadkeeda Waxbarta Oo Ay Ku Dagaalanto Sidii Bulshada Jahliga Looga Saari Laha Looguna Badali Lahaa Aqoonta Iftiinka Ah Ee Aduunka Is Dhaafisay.Dhuux Waxay Soo Saartay Kumanaan Arday Ah Oo Maanta Ku Kala Nool Daafaha Dunida Kuna Shaqeysanaya Cilmigii Iyo Aqoontii Ay Iyadu Bartay.

Wasaarada Hormarinta Waxbarashada Iyo Sayniska Markay Aragtay Taariikhda Facaweyn Ee Ay Leedahay Dhuux Cali Aqli Waxay Si Ku Meel Gaadh Ah Ugu Dhiibeen Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Tog Wajaale Ee Gobolka Gabiley,Waxana La Filayaa In Dhawaan Si Rasmiya Loogu Wareejin Doono Xilla Imika Ay Ku Simaha Ka Tahay.

Lamasoo Koobi Karo Taariikhaha Isxambaarsan Ee Sharaxaya Taariikhda Mugaweyn Ee Dhuux Cali Aqli Kasoo Qaadatay In Bulshada La Baro Aqoonta Si Looga Suuliyo Jahliga Iyo Aqoon Darada.Waxay Wakhtigeedii Ugu Badnaa Ku Bixisay In Ay Soo Saarto Arday Jaamiciyiina Oo Anfacay Dadkoodii, Diintooda Iyo Dalkoodaba.

Ugu Danbeyntii Waxay Mudan Tahay Oo Ay Istaahisha Oo Ay Xaq Iyo Xuquuqba U Leedahay In Loo Dhiibo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Wajaale Iyo Mansab Kasii Sareeyaba Maadama Ay Ka Qeyb Qaadatay Halganadii Lagu Nooleeyay Waxbarashada Ka Hilaacday Degmada Wajaale Iyo Nawaaxigeedaba.
Qaranka Way U Soo Halgantay Waxayna Kaso Dabaalatay Wakhti Adag.

Sooyaalkeeda Taariikheed Wuxu Ku Xardhan Yahay Tiirarka Waxbarashada Iyo In Ay U soo Dagaalantay Sidii Ardayda Reer Wajaale U Fahmi Lahaayeen Aqoonta Uu Qalinku Hagayo Taasi Oo Mustaqbal Wanaagsan Dhaxalsiisay Ardaydii Ay Macalinka Iyo Maamulkaba U Aheyd.

Waxa Xusid Mudan In Hooyo Dhuux Cali Aqli Ay Halku Dhigyo Dhaxalgal Ah U Tirisay Waxbarashada Iyo Ahmiyada Ay Leedahay Waxayna Tiri.

Meel la fadhiisto manhaj la raaco iyo mushar midna aan lahayn waxa aanu ahayn macalimiintii maaraysay waxbarashada

 

QALINKII JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET

WAJAALE OFFICE