Diyaarada Ethiopia Airline Oo Saaka Soo Fadhiisatey Madaarka Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Diyaarada Itoobiyaan airline ayaa maanta Ka Soo degtay Madaarka Caasimada Hargeisa Cigaal international.

Diyaarada Caalamiga ah ee Ethiopia Airline ayaa saaka soo fadhiisatey madaarka diyaaradaha ee Hargeysa .

Diyaarada ayaa baajisay duulimaad ay madaarka Hargeysa ku iman laheyd maalintii khamiistii waxaana ay noqoneysaa duulimaadkii koowaad ee diyaaradaasi Hargeysa ku timaado tan iyo intii dawlada Somaliya ay hakisay dhamaan diyaaradaha imanaya madaarada dalkii la isku odhan jiray Somaliya .

Waxaa la filayaa in diyaaradani ay galabta iyo bari ay duulimaad-yada sidaas u sii wadi doonto .

Dawlada Somaliya oo war soo saartey ayaa waxaa ay sheegtay in diyaaradaha u ogolaatey madaarada Somaliya muddo laba cisho ah si ay u keenan dadka ku xaniban madaarada caalamiga ah