Dowladda Oo ka Hadashay Soomaalida ku Xayiran Liibiya.

Waxaa laga deyrinayaa xaalada nolaleed dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xayiran dalka Liibiya, kuwaa oo warbaahinta ku sheegay in ay la soo darseen dhibaatooyin kala duwan.

Mid ka mid ah dhalinyarada oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay saameyn ku yeelatay xayiraada dhinaca socdaalka ah ee ka jira Soomaaliya iyo dalal kale ,kaas oo ah mid looga hortagayo Cudurka Coronavirus.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Muxudiin Maxamed kaalmooy oo ka hadlay cabashada dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan awoodin in dhalinyaradaasi xiligan loo soo gudbiyo dhinaca Soomaaliya sababo la xiriira dhaqaale xumi heysata safaaradda Laftirkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay dalka libya kasoo deysay dhalinyaro Soomaali ah oo u jiray Xabsiyada dalkaas,kuwaas oo sidoo kale uu saameeyey dagaalkii ka dhacay dalkaa Liibiya.