Faysal Cali Waraabe Oo Magacaabay Xubintii Xisbiga UCID Ee Komishanka Doorashooyinka

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii sadexaad u soo xushay xubinta xisbiga UCID u matali doonta komishanka doorashooyinka Somaliland, Cabdifataax Ibraahim Xasan oo labadii komishan doorasho ee ugu dambeeyay kamid ahaa xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kadib markii dhawaan madaxweyne Biixi dib ugu soo celiyay magacaabistii guddoomiyaha xisbiga UCID ee Xasan Yusuf oo dhawaan komishanka iska casilay .

Sidaana waxaa uu ku noqonayaa Cabdifataax Ibraahim xubintii labaad ee kawada tirsanaanaysa komishanka doorashooyinka ee hada jooga hadii iyo gudiga farsamo ee doorashada qabanaya, waxaana xilkan mid lamida qabanaysa Kaltuun Sh. Xasan oo kawada tirsanaan doonta komishanka doorashooyinka iyo guddiga farsamo ee komishankii hore kamid yihiin.

Halkan Ka Akhriso.