Geri naadir ah oo laga baadigoobayo Kenya

Waaxda duurjoogta Kenya ayaa ku raad joogta labo geri oo naadir ah oo markii ugu dambeysay lagu arkay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari, waxaana isa soo taraya walaaca ah in la dilay labadan geri.

“Waxaan xaqiijin karnaa oo keliya in la dilay marka aan aragno raqdooda, deegaanka waa mid baaxad weyn meel kastana wey isaga gudbi karaan,” ayuu u sheegay BBC afhayeenka waaxda duurjoogta ee Kenya, Ngugi Gecaga.

Maamulaha seeraha Ishaqbini ayaa BBC u sheegay in koox ku raad joogtay geriga ay Talaadadii raqdiisa ku arkeen tuulo ku taal degmada Masalaani.

Wuxuu intaas ku daray in rasaas ay ka muuqatay xayawaankaasi duurjoogta ah.

Labada geri oo uu midabkooda cadaan yahay ayaa la waayay ku dhawaad 3 bilood ka hor, sida uu sheegay maamulka seerahaas.

Waaxda duur joogta Kenya ayaan weli xaqiijin halka jaan iyo cirib ay dhigeen labada geri.

Sanadkii 2017-kii ayay aheyd markii baraha bulshada si weyn loogu baahiyay labada geri aan horey noocooda loogu arag gobolka.

Exit mobile version