Gudoomiyaha Cusub ee Dhawaan Loo Doortay Hogaanka Ururka Sariflayaasha Somaliland oo Maanta Xilkii La Wareegay.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha ururka Sariflayaasha Somaliland Oo Maanta Xilkaasi Si rasmiya loogu Doortay Ayaa Maanta Xilka La Wareegay Munaasibad Balaadhan Oo lagu Qabtay Hargeisa Ayaa Waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyey Madax kala duwan oo Ka Socoday ururka Sariflayaasha Somaliland.

Waxaana Munaasibada Xilwareejinta Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland mudane Cali ibraahim Baqdaadi oo ay Wada shaqeyn dhow leeyihiin ururka Sariflayaasha Somaliland.

Sidoo kale gudoomiyaha Sariflayaasha Somaliland ee maanta Xilka la Wareegayey Ayaa Dhamaanba ka Codsaday Madaxdii kasoo Qabgashay Xafladan inay ugu duceeyaaan Shaqada u Taala ka urur ahaan.

Waxaa iyaguna Madasha Ku Sugnaa hanbalyana u diray Gudoomiyaha Cusub Laamaha kala duwan ee ay gobolada dalka Ku leeyihiin ururka Sariflayaasha Somaliland oo Guud ahaan Ka hawlgala Dalka Somaliland.

Gudoomiyahan Cusub Mr Barkhad Oo kamid ahaa Shaqsiyaadka Aqoonta Durugsan u leh Arrimaha Sarifka Somaliland Mudo dheerna kasoo shaqeynayey Ayaa balan Qaaday Inay Wax Badan ka qaban doonaan baahiyaha kala duwan ee Ka jira Dhinaca isku bedelka iyo Safirka Dalka Somaliland.

Dhanka Kale gudoomiyaha cusub ayaa Dhamaanba Sariflayaasha ka Codsaday Sidii loo gacan qabanlahaa Sariflayaashii Ay Saameynta ku yeelatay iskubedelka sixirka ascaarta sarifku ee iyagu ay ka xidhmeen meheradohoodii. sidaa si lamid ahna ay maalgalin uga raadin doonaan Shirkadaha waaweyn iyo Dawlada Somaliland.

Ururkan Ay ku midaysan yihiin Sariflayaasha Guud ahaan Dalka ee Lagu magacaabo Waddajir  ayaa Noqonaya  mid Wax weyn ka tara Isbedbedalka Qiimaha Sarifka oo Xukuumada Somaliland ay wakhtiyadii hore Dhibaato Weyn ku Qabtay.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.