Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Oo is Karantiilay.

Moussa Faki Mahamat Gudoomiyaha ururka  Midowga Afrika ayaa sheegay in uu galay xaalad karan-tiil  ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalaha xafiiska Midawga Afrika laga helay xanuunka Covid-19.

Moussa Faki ayaa sheegay in hawlwadeenada kale ee xafiiskiisana ay karantiil is geliyeen si looga hortago faafitaanka cudurka Corona-virus, Faki wax faahfaahin ah kama bixin shaqaalaha ka tirsan xafiiskiisa ee laga helay cudurka COVID-19 iyo sida uu ku qaaday xanuunka.

Inta badan dalalka Afrika ayaa shaaciyay in si rasmi ah ay u heleen kiisas la xiriira Covid-19, sidoo kale wadamada qaarkood ayaa xaqiijiyay kiisas dhimasho ah.