Kenya oo Baadheysa Eedeymo la Xidhiidha Dhiig Dalkeeda Laga Xaday oo Soomaaliya Lagu Iibiyay.

Nairobi(GNN):-Dowladda Kenya waxay sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xiriira in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas si sharci darro loogu iib geeyo dalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug lahaan karaan howlaha la xiriira dhiigga Kenya laga xado ee lagu iibiyo Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii saraakiisha lagu caddeeyo in dhiigga si sharci darro ah ay u geeyeen Soomaaliya la xiri doono isla markaana la maxkamadeyn doono.

Waa markii ugu horreysay ee Kenya ay qirato in keydkeeda dhiigga uu yahay mid yar oo aan dabooleyn baahida.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan eedeymahan.

Adeegyada keydka dhiigga ee Kenya waxaa 15-kii sanno ee lasoo dhaafay maalgelineysay dowladda Mareykanka inkasta oo sannadkii lasoo dhaafay uu Mareykanka deeqda dhiigga ah joojiyay, wixii xilliggaas ka dambeeyay dalkaas wuxuu la daalaa dhacayay xoojinta keydka dhiigga.

Source BBC.