Kor u kac Ku Yimid Durba Sixirka Maciishada Somaliland, Xilli uu Madaxweyne Biix Amaan Farabadan U jeediyey Ganacsatada Dalka.

“Haddalkii Madaxweyne Biixi Sabab Ma u Noqon Karaa Fursad ay Ka Faa’iidaystaan Ganacsatadu.”

Hargeisa(GNN):- Masiibada Xanuunka Corona Virus ee Dunida Sida weyn u gilgilay ayaa Xukuumada somaliland iyadoo ka duulaysa inay Ka hortag ka sameyso xanuunkaasi, waxaa uu madaxweynaha jamhuuriyada somaliland shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada somaliland, halkaas oo ay Warbaahintu su’aalo kala duwan ku waydiiyeen madaxweynaha somaliland, su’aalaha la waydiiyey oo ay kamid ahayd.

“Mudane Madaxweyne Mala Shirteen Ganacsatada Waayo Waxaa Jir In Ganacsatdu Tahay kuwa ugu daran ee Wakhtiga Kala xidhanka ka faa’iideysanaya Inay Qaali Ka Dhigaaan maciishada, Mase Ku Jiraan gudida Aad magacowday madaxweyne Ganacsatadu?”.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxaa uu kagaga Jawaabay Su’aashaasi In Ay ganacsatadu yihiin Kuwa uu wada yaqaano sidaa daraadeedna ay yihiin Dad Wanaagsan oo uu kalsooni ku qabo inay dadkooda u tudhayaan.

Iyadoo Hadaba aaney jirin Talaabo Kale iyo Qorshe kale oo Ay kasoo saartay Maciishada iyo Sixir barar dalka ka dhaca Xukuumada somaliland ilaa hadda, ayaa Durba Waxaa Magaalada Hargeisa iyo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka kor kac saayid uu ku yimid dhamaan maciishadii iyo quutal daruurigii  yaalay dalka.

Warar kala duwan ee nasoo gaadhay ayaa xaqiijiyey inay Jiraan Kooxo dilaalin iyo ganacsato ah oo durba Raashinkii yaalay bakhaarada ku daad guraynaya istoodho iyo goobo ay hayaan Wakhtiga xaaladan xanuunku taagan tahay taas oo ay doonayaan inay Ka Faaiidaystaan Kor u kac ku yimaada qiimaha maciishada dalka oo isla markiiba maalintii shalay si weyn looga qaylyey guud ahaan dalka kadib markii ay ganacsatadu isbedel ku sameeyeen korna u qaadeen qiimihii markii hore lagu iibinayey quutal daruuriga ugu mihiimsan oo ay kaw ka yihiin Sonkorta, bariiska, Baastada, burka iyo dhamaan cuntooyinkii la isticmaali jiray, iyadoo labadii cisho ee ugu danbeeyey dadka reer somaliland oo si weyn uga cabsi qabay xanuunkan ay ku hawlanaayeen sidii ay u iibsan lahaayeen raashin ku filaada bilaha soosocoda.

Dhanka Kale Dawladaha Uu Saameynta ku yeeshay Xanuunkani oo kamid yihiin dawladaha Ingiriiska iyo maraykanu ayaa Xakameeyey Durba in Kor u kac lagu sameeyo qiimaha maciishada ama cuntada kala duwan, waxaana warbixin shalay kasoo baxday xafiiska raysal wasaaraha dalka Ingiriiska looga digay in ganacsatadu sameeyeen wax ka bedel qiimaha maciishada lagu iibiyo, Sidoo kale Madaxweynaha Dalka maraykanka Donlad trup ayaa isna xalay warbaahinta ka hadlay waxaanu u sheegay dhaaman shirkadaha iyo ganacsatada in aaney sameyn karin Wax Ka bedel qiimaha maciishada wakhtiga lagu gudo jiro la tacaalida xanuunkan corona Virus.

Sidoo kale Dalka Aynu Jaarka Nahay ee Itoobiya gaar ahaan Maamulka deegaanka Soomaalida itoobiya oo xalay Warbixin digniin ah soosaaray ayaa Sheegay Fariin u diray ganacsatada kala duwan ee dalka Itoobiya waxaaney u sheegeen inay Raacayaan Sharciga ay ku hogaaminayso haayada u qaabilsan Cuntooyinka a hor taga afooyinka dabiiciga ah, sidaa darteedana ay talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo kamida ganacsatada oo isku dayda in ay Kor u qaadaan Maciishada dalka wax ka bedelna ku sameeyaan Qiimihii ascaarta dalka.

 

Iyadoo Hadba ay Dawladaha Jaarka iyo kuwa Dunidaba ka Socodaan Talaabooyinkaasi lagaga hortagayo Sixir barbar uu sabab u noqodo wakhtiga lagu gudo jiro go’doonka xanuunkan oo laga cabsi qabo inay gabi ahaanba istaagaan maraakiibta kala duwan ee u kala goosha dalalka dunidu, ayaaney ilaa hadda jirin haayadihii u qaabilsana Dalka Somaliland oo durba Shacabkii kor loogu qaaday Qiimihii Maciishada Quutal daruuriga oo ay ka faa’iideysanayaan dadyow aan iyagu u diirnaxaynin shacabkooda kana faa’iideysana wakhtiga lagu jiro xaaladan Xanuunka Corona laga Foojigan yahay.

Halkan madaxweynaha Somaliland oo Su’aashaa la Waydiiyeyna uu Amaan farabadan u jeediyey ganacsatada, iyadoo aaney jirin habayaraatee amar iskadaaye , talo ama codsi uu ugu sheegay inay u tudhaan shacabk.

Talaabadan Ay Durba ku dhaqaaqeen Ganacsatadii Raashinku ayaa Sabab u noqon karta sixir barbar baaxad leh uu Saameyn weyn ku yeesha Shacabka Somaliland oo ay aad u yar tahay inta dhaqaale ahaan iska xajin karta ama ku tiirsan waxsoosaarka beeraha iyo dalagyo ay kagaga kaaftoomi karaan Sixir bararka durba saansaantiisu ka muuqato dalka Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Su’aalihii La Waydiiyey Madaxweynaha ee La Xidhidha Arrintaasi.

 

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network