Madaxweynihii Guinea-Bissau Oo Is-Casilay

Cipriano Cassamá oo dhawaan ay gudida doorashooyinka ee dalka Guinea-Bissau ku dhawaaqeen in uu yahay qofka ku guulaystay doorashada dalkan ka dhacday bishii December ayaa is-casiley.

Ninkan oo muddo hal maalin ah xafiiska si rasmi ah u joogay ayaa isku casilaya muranka hadheeyay doorashada dalkan ka dhacday, oo illaa hadda ay laba raysalwasaaare oo kale ku loolamayaan awoodda.

Xisbiga talada haya ayaa diiday natiijada doorashada bishii December ee sanadkii hore, iyagoo sheegay in aanay mucaaridku helin doorashada.

Guinea-Bissau oo ah dal dhaca galbeedka qaaradda Afrika ayuu tan iyo sanadkii 2014-kii madaxweyne u ahaa José Mário Vaz oo ah hogaamiye 62-sanno jir ah.