Magaalada Muqdisho Oo Hoy U Noqotay Dilka Wiilasha Ku Xoogsada Mooto Bajaajta.

Muqdisho(GNN):-Magaalada Muqdisho Ayaa Sanadkan 2020 iyo sanadkii dhamaaday ee 2019 lagu dilay tiro Wiilasha mooto Bajaajta ku shaqeysta ee Gudaha Magaalada Muqdisho, Ma jirto Talaabo Cad oo Xukuumada Madaxweyne farmaajo ka Qaaday Dadkii hore u laayey wiilashan xoogsatada ah, halka maanta lagu toogtay wiil kale.

Sidda ay warbaahinta   Muqdisho u xaqiijiyeen dadka degaanka Ruux watay gaari nooca raaxadda ah ayaa toogtay wiil Mooto Bajaajle ah Xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan ee Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dilka ka hor Muran ku saabsan Seedka wadada uu dhexmaray ninka dilka geystay iyo Mooto Bajaajlaha ka dibna ruuxa gaariga raaxadda ah watay oo uu hubeysan oo degtay uuna toogtay Mootaalaha.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigayaan ruux watay gaariga raaxadda ah ee hubeysnaa ee dilka geystay.

Ruuxii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Mootalaha uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

  1. Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay dilal ugu geystay Muqdisho dhalinyaradda ku shaqeysta Mootooyinka oo inta badan ay ku murmuraan marintaanka Wadada.