Magaalada Wuhan oo lagu wado in xayiraadda laga qaado

Kaddib in ka badan labo bilood oo xayiraad ay saarneyd magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah goobta uu ka dillaacay cudurka ayaa waxaa 8-da bisha April la filaya in laga qaado xayiraadda magaaladaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Deegaannada kale ee dhaca gobolka Hubei ayaa Arbacada laga qaadaya xayiraadda dhanka socdaalka ah, sida ay ku warrantay warbaahinta China Daily.