Maxaa Ka Jira In Xisbiga Waddani Laga Ceydhinaayo Duur Iyo Xildhibaan Buubaa

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Ilays News u xaqiijiyay in gudida fulinta ee xisbiga WADDANI ay shireen galinka hore ee maanta oo Axad ah, iyagoo ka arinsanayay laba xubnood oo xisbiga ka tirsan.

Hogaanka sare ee xisbiga ayaa ka biyo-diiday Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka tirsan xisbiga WADDANI, sida ay xoguhu tilmaamayaan.

Labada xubnood ayaa soo dhaweeyay go’aankii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku sheegay in la furi doono ururada siyaasadda, balse hadda uu ka noqday kadib markii la xaliyay muranka doorashada.

Gudida fulinta ee xisbiga ayaa go’aansaday in aan xubnahan laga saarin xisbiga, balse tallaabooyin kale laga qaado. Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya arintan, xogaha ayaa tilmaamaya in xubnaha qaar qabeen in xisbiga laga saaro labadan xubnood, halka qaar kalana ay qabeen in aan laga saarin balse anshax-marin lagu sameeyo.