Nin looga shakiyay in 40,000 qof uu qaadsiiyay Coronavirus oo dhintay

Mas’uuliyiinta ku sugan gobolka Punjab ee dalka Hindiya ayaa karantiilay 40,000 qof oo ka kala soo jeedo ilaa 20 tuulo kaddib markii lala xiriiriyay inuu cudurka qaadsiiyay waddaad u dhashay dalkaas.

Waxaana arrintan la ogaaday markii uu geeriyooday waddaadka 70 jirka ah.

Waddaadkan ayaa iska dhaga tiray inuu si iskiis ah isu karantiilo kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tegay dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka, sida saraakiil ku sugan dalkaas ay BBC u sheegeen.

Ninkan oo magaciisu lagu sheegay Baldev Singh ayaa wuxuu booqday munaasabad diimeed ay lahaayeen bulshada Sikha ee dalkaas ka hor inta uusan geeriyoon waddaadka.

Munaasabadda oo lix maalmood socotay waxaa maalin kasta ka qeyb galayay 10,000 qof.

Toddobaad uun kaddib markii uu geeriyooday waddaadka, 19 kamid ah qoyskiisa ayaa laga helay cudurka Coronavirus.

“ilaa iyo hadda, waxaa inoo suurogashay in aan soo qabanno 550 qof oo la kulmay ninkan, waxaana sare u kacaya tirada dadkaas, waxaan xirnay tuulooyinka ku hareereysan meelihii uu booqday” waxaa sidaas BBC u sheegay sarkaal sare oo ku sugan gobolkaas.

Hindiya waxay xaqiijisay 640 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona, 30 kamid dadkaas waxay ku nool yihiin gobolka Punjab.