Qarax ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Caasimada Maamulka Puthland ee Garoowe.

Garoowe(GNN):-Caasimadda Maamulka Puntland ee Garoowe waxaa caawa ka dhacay Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi .

Qaraxan ayaa ka dhacay barxada dadweynaha ee bartamaha magaaladda Garoowe halkaasi oo uu ku yaalo taliska Booliiska Puntland iyo saldhiga magaalada iyo sidoo kale xarunta hay’ada sirdoonka ee PISA.

Qaraxan waxaa dhaawac culus uu ka soo gaadhay guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo taliyihii hore booliiska gobolka Nugaal Faaraxa Galandoll, Masuuliyiintan ayaa hadda lagu dabiibayaa cusbitaalka Garoowe

Garoowe ayaa kamid ahayd magaalooyinka ugu xasiloon magaalooyinka waaweyn ee Somaliya,

Waxaa la is weydiinayaa sababta loo bartilmaameedsadey Cabdisalaam Xassan Xirsi guddoomiyaha gobolka Nugaal. Cabdisalaam Gu’jir waxa uu horey u soo noqdey duqa degmada Garowe, waxaana uu kamid yahay guddoomiyaashii gobolada ee uu xilka u magacaabey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas. Guddoomiyaha ayaa ahaa nin qunyar socod ah, afgaaban, mana jirin ilaalo xoogan oo uu kaxaysan jirey mararka qaakood isaga oo keligiis ah ayuu xaafadaha ku lugeyn jirey, arrintan ayaa u muuqata in kooxda isku daydey in ay disho ay beegsadeen goob dagan ama waxa loo yaqaan Soft target.

Waa qaraxii labaad oo noociisu ahaa ismiidaamin oo ka dhaca Garowe tan iyo markii Maamulka Puntland la asaasey, qaraxii kowaad oo ismiidaamin ah ayaa dhacay sanadkii 2015, waxaana lala beegsadey shaqaalaha qaramada Midoobey ee Garowe.