Rabshad Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacday Ceel-Afweyn

Wararka aan ka heleyno degmada Ceel-Afwey ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, halka laba kalena lagu dhaawacay.

Falka lagu dilay Askariga laguna dhaawacay labada kale ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay Askari ka tirsan Booliska Somliland, kaasi oo rasaas ku furay Askarta oo xiligaas ku sugneyd Xaafad ka tirsan Ceel-Afweyn.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa daqiiqado kadib waxa gaadhay Ciidanka Booliska Somaliland, iyagoona soo qaaday Meydka Askariga dhintay, dhaawacyada labada kale oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga geystay falka iskugu jiray dhimashada iyo dhaawa uu halkaas ka baxsaday, waxaana la sheegay in askariga rasaasta ka fakatay.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa saaka howlgal kala duwan ka wada Xaafadaha Degmada Ceel-afwey ee Gobolka Sanaag, kaasi oo ku raadinayan Askariga ka tirsan ciidankoodka ee falka geystay.