Ronaldinho Oo Ku Safraya Baasaboor Been Abuur Ah Oo Xabsiga La Dhigay

Halyeygii reer Brazil ee Ronaldinho ayaa lagu xidhay saldhig boolis oo ku yaalla waddanka Paraguay halkaas oo uu u tegay inuu kaga qayb-galo munaasibad qaadhaan lagu ururinayey.

Ciidamada booliska Paraguay ayaa galay hotel ku yaalla caasimadda Paraguay ee Asuncion oo uu degganaa Ronaldinho, waxaanay amar ku siiyeen inuu soo saaro dhukumentiyadii uu dalka kusoo galay, waxaanay ka qaadeen waraaqo uu ku jiro baasaboork been abuur ah oo uu laacibkani ku safrayey.

Baasaboorka been abuurka ah ee Ronaldinho ayaa la sheegay inuu yahay Paraguayan.

Ciidamada boolisku waxa kale oo ay gacanta ku dhigeen wiil ay walaalo yihiin Ronaldinho oo lagu magacaabo Roberto oo isaguna ku sugnaa halkaas, waxaanay labadoodaba u qaadeen saldhig boolis oo baadhitaan ku samaynaya kiiskan, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan illaa maanta oo Khamiis ah ka hor inta aanay tegin xafiiska xeer ilaaliyaha dalkaas.

Wasiirka Arrimaha gudaha Paraguay, Euclides Acevedo oo la hadlay ESPN Brazil, ayaa waxa uu sheegay in baadhitaan lagu wado Ronaldinho iyo walaalkii, go’aanna laga gaadhi doono haddii si rasmi ah loo xidhi doono iyo haddii kale, waxaanu yidhi: “Ronaldinho iyo walaalkii lama xidhin, waxa lagu wadaa baadhitaan sharci, waana inay isberi-yeelaan. Kaddib ayaa la go’aamin doonaa haddii la xidhi doono iyo haddii kale.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Ronaldinho iyo walaalkii Roberto ay si fiican ula shaqaynayaa ciidamada oo ay baadhitaanka fududaynayaan, laakiin waxa uu caddeeyey in qof saddexaad oo la socday si toos ah loogu dhaadhiciyey xabsiga.

Ronaldinho oo guulo waaweyn ka gaadhay kubadda cagta, waxa uu kabaha tiiriyey sannadkii 2018 kaddib 13 koob oo heer naadi ah iyo koob adduun oo uu xulkiisa u qaaday, shaqsiyanna sannadkii 2005 ayuu noqday laacibka ugu wanaagsan dunida oo la siiyey abaal-marinta xiddiga adduunka, laakiin dhowaan ayaa laga qaaday baasaboorka waddankiisa Brazil iyo ka Spain oo uu labadaba haystay.

Laanta socdaalka Brazil ayaa ku eedaysay inuu si sharci-darro ah sannadkii 2018 uga kalluumaystay harada weyn ee Lake Guaiba isaga oo aan haysanin liisan ogolaansho oo uu halkaas ku tegi karo, waxaana sidoo kale ay maxkamadda sare ee Brazil ku ridday xukun adag oo ah inuu bixiyo $8.5 milyan doolar oo ganaax ah iyo waliba in aanu dalkaas ka bixi karin.

Baasaboorkiisii Spain, ayaa isagana laga xayiray markii uu ku lug yeeshay arrimo musuq iyo lunsi cashuuro uu la baxsaday xilliyadii uu Barcelona u ciyaari jiray, waxaana sidoo kale la xayiray dhamaan hantidii uu ku lahaa Spain.

Si kastaba, dalka Brazil ayuu ka yahay halyey, waxaanu ka shaqeeyaa arrimaha deegaanka oo uu u ololeeyo, waxaanu ka qayb-galaa shirarka lagaga hadlayo arrimaha cimilada iyo sidii dunidu u joojin lahayd khatarta uu qiiqu ka midka yahay ee lagu sii daayo hawada ee deegaanka waxyeellada u geysanaya.