Sababta Madaxweyne Biixi Dib Xisbiga UCID Ku Celiyay Xubintii Guddiga Dorashada

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu xisbiga UCID dib ugu soo celiyay xubintii ay u magacaabeen guddiga doorashooyinka Md. Xasan Yuusuf Ducaale.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyada iyo xisbiga UCID ku xaqiijiyeen dib u soo celinta xubintan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in xafiiska Madaxweyne Biixi ku soo wargeliyay xisbiga UCID dib u soo celinta xubintaas.

Xasan Yuusuf Ducaale, ayaa iska casilay guddiga doorashooyinka wakhtigii uu taagnaa khilaafkii Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ahi, laakiin xisbiga UCID ayaa markii khilaafka laga heshiyay wuxuu toddobaadkan dib u magacaabay xubintaas oo uu Madaxweyne Biixi u gudbiyay.

Xisbiga UCID ayaa la filayaa inuu bedelo xubintan uu madaxweynuhu ku soo celiyay oo uu soo magacaabo xubin kale.