Shaqaale ka tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurnimadii waxay gudaha magaalada Boosaaso toogasho ku dileen Allaha u naxariistee Suleemaan Axmed Shire, oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Laba qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen rasaastii ay kooxda dableyda ahi fureen, waxaana lagu daweynayaa goobaha caafimaadka ee magaaladda Boosaaso.

Dhowrkii bilood ee u danbeeyey ayaa gudaha magaaladda Boosaaso waxaa dilal loogu geystay xubo ka tirsanaa ciidamada ilaalinta canshuuraha beriga iyo shaqaale ka tirsan Wasaaaradda Maaliyadda Puntland.

Shalay gabal dhicii ayay aheyd markii la qarxiyey gaari uu lahaa nin ganacsade ah oo ka tirsanaa shirkadda ganacsiga Saabir.

Waxaa sidoo kale 15 bishan hoobiyayaal lala beegsaday xaafadaha ka ag dhow madaxtooyada Boosaaso oo ay xarumo ku leeyihiin qaar ka tirsan ciidamada PSF.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilalka, qaraxyada iyo hoobiyayaasha lala beegsaday magaaladda Boosaaso.