Shirkadd Alibaba Oo Ethiopia Gaarsiisay Qalabka Corona-virus Xilli Uu Gaaray 11 kiis.

Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

Dhinaca kale, Diyaarad xamuul ah oo siday 6 milyan oo shey oo qalabka caafimaad ah oo ay ka mid yihiin wajiga gashiga (Maaskaro), qalabka difaaca, iyo xirmooyinka baaritaanka ayaa gaadhay Ethiopia.

Raysal Wasaaraha Ethiopia. Aby Ahmed ayaa uga mahad celiyay qalabkaan caafimaad oo ay ugu deeqday shirkadda ganacsiga internetka ee la yiraahdo AlibabaGroup.

Shirkadda Alibaba oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa wadamada Afrika ee uu saameeyay cudurka Coranavirus u qeybindoonta malaayiin kamid ah qalabka caafimaadka ee ka hortagga cudurka.