Sucuudiga oo lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay Corona

Wasaaradda caafimaadka Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in gudaha dalkaas lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona.

Saraakiisha waxay sheegeen in qofka uu ku dhacay Corona uu yahay muwaadin u dhashay Sucuudiga oo ka yimid dhinaca Iiraan.

Dalka Tunisia , waxaa lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee qabo cudurka kaas oo ah muwaadin u dhashay Tunisia oo ka yimid dhinaca Talyaaniga.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Urddun waxay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona kaddib markii laga helay qof u dhashay dalkaas oo kasoo safray Talyaaniga.