Tirada dadka uu ku dhacay Coronovirus oo gaartay 300,000

Dadka uu ku dhacay cudurka Coronovirus guud ahaan caalamka ayaa Axadda maanta ah gaartay ilaa iyo 300,000 oo qof.

Sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP, ugu yaraan 300,097 la xiriira caabuqaan halista ah ayaa la diiwaangeliyay aduunyada oo dhan, tan iyo intii uu soo billowday bishii December ee sannadki hore.

Dadka u dhintay ee isbitaallada lagu diiwaangeliyay ayaa gaaraya 12,895 oo dhimasho ah, ilaa iyo 169 waddan oo caalamka ah, sida ay maanta xaqiijisay Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Dalka Talyaaniga ayaa hadda ah waddanka ugu dhimashada badan ee cudurka Coronovirus, kaalinta koowaad ayuu kala baxay Shiinaha.
Talyaaniga waxay tirada dhimashada sii mareysaa ku dhawaad 5000 oo qof. Sabtidi ay ugu darneyd oo hal maalin gudaheed ay dalka Talyaaniga cudurkani ugu dhinteen ku dhawaad 800 oo qof.

Dalka India, maanta waxaa lagu soo rogay bandoow secon doona 14 saacadood, si loo yareeyo faafista caabuqa corono. Bandowga ayaa saameynaya in ka badan hal bilyan oo qof oo ku nool dalkaasi.

Qaaradda Africa, waddanka Rwanda ayaa noqday dalki ugu horreeyay oo ku dhawaaqa in uu xiray dhamaan xuduudahiida, si uu ula tacaalo cudurka Coronovirus. Ilaa iyo hadda Rwanda waxaa la xaqiijiyay 17 kiis oo ah caabuqa Corono.