Tirada Dhimashada Corona Ee Talyaaniga Oo Ka Badatay Tan Shiinaha

anuunka corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaaraya 427 qof.

Tirada dhimashada ee dalkaas ayaa haatan mareyso 3,405, taas oo ka badan tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha oo ah halka markii hore uu ka bilawday.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa xanuunkaas ugu dhintay 3,245 qof balse waxaa su’aal la gelinayaa sax ahaanshaha tiradaas, maadaama aysan jirin cid si madaxbanaan u xaqiijin karta.

Dhammaan shacabka dalka Talyaaniga ayaa lagu amray in ay guryahooda ku nagaadaan.

Inkastoo ay jiraan tallaabooyin ay soo rogtay dowladda, haddana waxaa lasoo sheegay in ay jiraan dad wali u dhimanaya xanuunka, waxaana guud ahaan corona caalamka ugu geeriyootay dad gaaraya sagaal kun oo qof.

Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in aysan jrin kiisas cusub oo lagu arkay gudaha dalkaas balse ay jiraan dad qaba xanuunka oo Shiinaha uga yimid dibadda.

Haseyeeshee tirada dadka uu ku dhacay xanuunka ayaa aad uga badan tan Talyaaniga oo dalkaas waxaa uu xanuunka haleelay 81 kun, halka Talyaanigana uu marayo 41,035.