Turkiga Oo Gargaar U Diray Mareykanka + [ Nooca Gargaarka ]

Dowladda Turkiga ayaa gargaar caafimaad u dirtay dalka Mareykanka oo haatan kamid ah dalalka la daalaa dhacaya xanuunka corona.

Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baadho xanuunka corona oo gaadhaya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mr Koca ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka wadankaas waxaa uu sheegay in ay ku han weyn yihiin sidii loo xoojin lahaa baadhitaanada gudaha dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintii ay qorsheynayaan in ay xanuunka ka baadhaan 10 kun ilaa 15 kun oo qof, wuxuu intaa raaciyay in haatan ay baadheen dad ka badan 10 kun.

Xanuunka corona ayaa fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka, waxaana ugu daran dalka Talyaaniga oo dad badan ay ugu dhinteen.

Caabuqa corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaaraya 427 qof.