UEFA Oo Isbeddello Waaweyn Ku Samaysay Champions League Iyo Europa League

Shirkii sannadlaha ahaa ee ka dhacay Amsterdam, UEFA waxay kasoo saartay isbeddelo dhinaca martigelinta tartamada Champions League iyo Europa League ah, waxaanay haddaba ku sii dhawaaqday 15 garoon oo lagu qaban doono faynalada afar tartan oo muhiim ah.

Isbeddelkan oo ka bilaabmaya xili ciyaareedkan hadda socda, waxa 15 kooxood loo sheegay inay diyaariyaan garoomadooda oo lagu qaban doono ciyaaraha ugu dambeeya ee finalada Champions League, Europa League, UEFA Super Cup iyo Champions League-ga dumarka (Women’s Champions League).

Kooxaha Ingiriiska uga qayb-geli doona Champions League sannadaha soo socda ayaa nasiib u heli doona haddii ay ciyaarta finalka u soo baxaan in garoonka qaranka ee Wembley ay ku ciyaaraan sannadka 2023, laakiin Bayern Munich oo sannadkii 2012 martigelisay finalka Champions League oo ay Chelsea ku guuleysatay ayaa uu garoonkeedu ka mid yahay kuwa la shaaciyey inay nasiibka u yeesheen martigelinta finalka Champions League.

Kooxaha ka dhisan waddanka Spain ee Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaan ku farxaynin go’aanka UEFA maadaama garoomada dalkaasi aanay marigelin doonin wax final Champions Leauge ah xili ciyaareedkan socda iyo saddexda ka dambeeya ee 2021, 2022 iyo 2023, halka sannadkan 2020 finalka Champions League la tegi doono magaalada Istanbul ee waddanka Turkey.

Garoomada UEFA u xulatay martigelinta Champions League, Europa League, UEFA Super Cup iyo Women’s Champions League, waa sidan:

Champions League

2020: Ataturk Olympic Stadium, Istanbul
2021: Krestovsky Stadium, Saint Petersburg
2022: Allianz Arena, Munich
2023: Wembley Stadium, London

Europa League

2020: Stadion Energa Gdansk, Gdansk
2021: Ramon Sanchez Pizjuan, Seville
2022: Puskas Arena, Budapest

UEFA Super Cup

2020: Estadio do Dragao, Porto
2021: Windsor Park, Belfast
2022: Olympic Stadium, Helsinki
2023: Ak Bars Arena, Kazan

Women’s Champions League

2020: Viola Park, Vienna
2021: Gamla Ullevi, Gothenburg
2022: Juventus Stadium, Turin
2023: Philips Stadium, Eindhoven