War Deg-Dega-Taliyihii Sirdoonka Dawlada Somaliland ee Gobolka Sool La Khaarajiyey.

Hargeisa(GNN):- Warar hordhac ah oo Hadda Soo Gaadhay Shabakada gabiley news Network ayaa u Xaqiijiyey In Caawa saacadu markii ay ahayd 9:00kii fiidnimo lagu khaarajiyey Taliyihii Nabadsugida Somaliland ee gobolka Sool.

Wararka aanu helayno ayaa sheegay in taliyaha lagu Dilay Gudaha magaalada laascaanood,  Taliyaha La Dilay Ayaa Lagu magacaabi Jiray Cabdi qani Guhaad,  Waxaana ilo wareedyo ku sugan Laascaanood sheegeen in Taliyaha la Khaarajiyey uu Todobaadkii u Danbeeyey baadhitaan ka wada Dilkii alle haw naxariistee Gudoomiyihii maxkamada gobolka

Lama oga sababta dhab ah ee ka dambaysa dilka Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Sirdoonka dalka, haseyeeshee, waxa inta badan magaalada Laascaanood ka dhaca dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado masuuliyiinta dowladda ee ka hawl-gala gobolka Sool.

Waxay ahayd 2-dii Bishan March, markii sidan oo kale gudaha magaalada Lascaanood dil qorsheysan lagu khaarajiyey Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud Cumar oo walxaha qarxa loogu rakibay baabuurkii uu watay xilli uu ku sugnaa barxadda hore ee Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood.

La Soco Wararka Kasoo Kordha Dilka Taliyahaasi.

 

Exit mobile version