Wargeyska Capital Oo Sheegay in Itoobiya ay Si Rasmi Ah U Joojisay Maalgashigii 19% Ahaa Ee Ay Ku Lahayd Dekeda Berbera.

Hargeisa(GNN):-Wargeyska Capital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in si buuxda loo joojiyay maalgashigii 19% ee ay Itoobiya ku lahayd horumarinta iyo balaadhinta dekedda Berbera.

Wargeyska Capital oo warbixin dheer ka qoray qorshe ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysto dalka Suudaan, ayaa wuxuu gunaanadka warbixintiisa ku sheegay in Itoobiya ay saami dhan 19% ku lahayd horumarint  dekedda Berbera, wuxuuse sheegay in toddobaadkan la soo wariyay in mashruucaas gebi ahaantiiba la joojiyay. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” Ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo uu Wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka warkan ayaanay noo suurtogelin, ka dib markii uu ka jawaabi waayay farriimo aanu u dirnay.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo uu Geeska Afrika isagana isku dayay inuu wax ka weyiyo warkan, ayaanu ku weyney khadka Telefoonka.

Waxa dhawaan Hargeysa  socdaal aan war rasmi ah laga haynin ku yimid wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo sarkaal kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo la socday, lamana oga in socdaalka weftigaas iyo warkan uu wargeyska Addis Ababa ka soo baxaa baahiyay xidhiidh leeyihiin.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan Raysalwasaaraha Itoobiya ku gacan saydhay qorshe uu watay oo ahaa inuu Madaxweynaha Soomaaliya Hargeysa keeno.

Source: Geeska