‘Waxay cabbeen kaadida lo’da si ay uga hortaggaan cudurka Coronavirus’

Caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaa Sabtidii lagu qabtay munaasabad lagu cabbayo kaadida lo’da si looga hortaggo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxaana xafladda soo agaasimay urur u doodo xuquuqda dadka Hinduuga ee dalkaas.

Waxaana dadkii ku sugnaa goobtan loo qeybiyay koobab ay ka buuxaan kaadida lo’da si ay isaga ilaalinayaan cudurka Corona.

Dadka Hinduuga waxay rumeysan yihiin in lo’da ay tahay muqaddas, qaar kamid ah waxay rumeysan yihiin in cabidda kaadida lo’da lagu daweyn karo cudurro.

Mid kamid ah ka qeybgalayaasha munaasabadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qof kasta oo caba kaadida lo’da uu ka badbaadayo cudurrada xilli uu dadka u qeybinayay kaadida.

Dhaqaatiirta iyo dowladaha waxay sheegeen in wax daawo ah ama tallaal ah aan loo helin ka hortagga cudurka Corona kaas oo ay u dhinteen in ka badan 5,400 qof halka uu soo riday 150,000 qof guud ahaan caalamka.

“Waxaan halkan isugu nimid duco ah in aan caalamka uu helno nabad, waxaan koob kaadida ah lo’da guddoonsiineynaa cudurka Coronavirus si aan u dejino oo aan uga nabadgalno” ayuu yiri hogaamiyaha ururka soo qabanqaabiyay xafladda, Shikarbani Maharaja.

Shikarbani Maharaja wuxuu ugu baaqay dadka inay cabaan kaadida lo’da ah si ay uga hortaggaan cudurka .

.

“Coronavirus waa nooc kamid ah bakteeriyada, kaadida lo’da ayaa ah daawada kaliya ah ee weerari karta bakteeriya kasta oo dhibaato nagu hayo” waxaa sidaas yiri Om Prakash oo ka yimid dhinaca gobolka Uttar Pradesh, kana mid ahaa kasoo qeybgalayaasha.

Qaar kamid ah xubnaha ka tirsan xisbiga qaran ee Hinduuga ayaa ku anddacooday in kaadida lo’da loo adeegsan karo dawo ahaan iyadoona daweyn karto Kansarka.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii xildhibaan ka tirsan xisbiga haya talada ayaa soo jeediyay in isticmaalka kaadida iyo saalada lo’da lagu daweyn karo cudurka Coronavirus.

Dalka Hindiya, labo qof ayaa u dhimatay cudurka Corona halka in ka badan 80 qof uu ku dhacay cudurku, dowladda waxay amar ku bixisay in la xiro dhammaan waddooyinka gala dalkaas iyo dal ku galka dadka ajaanibta ah ee kasoo jeedo dalalka uu ka dilaacay caabuqa.

Xigasho bbc