WHO: Afrika ha isku diyaariso ka hortagga xaaladdii ugu xumeyd

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa u sheegay dalalka Afrikaanka ah inay isku diyaariyaan ka hortagga xaaladdii ugu xumeyd xilli cudurka Corona uu ku baahay dalal ka tirsan qaaradda.

Gudaha Afrika waxaa cudurka ugu dhintay 16 qof, Lix qof wuxuu ku dilay gudaha Masar, Lix qof waxay ugu dhimatay Algeria, labo qof gudaha Morocco halka Burkina Faso iyo Suudaan uu min hal qof ku dilay cudurka.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ugu baaqay dalalka Afrikaanka ah inay hurddada ka kacaan si looga hortaggo faafitaanka cudurka.

“Afrika waa inay hurddada isaga kacdo… waxaan aragnay sida dalalka kale uu ugu baahay feyraska kaddib markii ay sare u kaceen kiisaska” ayuu yiri madaxa WHO oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Koonfur Afrika kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona waxay gaareen 116 kiisas.

Dhawaan ayay aheyd markii Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ay ugu baaqday dalalka inay baaraan qof kasta oo looga shakiya feyraska Corona si loo xakameeyo cudurka Corona.