WHO Oo Fariin Toos Ah U Dirtay Dhalinyarada Caalamka “Ma Tihiin Dad Aan Dhiman Karin”

Dhallinyaro fara badan oo caalamka daafahiisa ku nool ayaa ka dhaga fureysanaya tallooyinka dowladaha ka soo saarayaan cudurka Coronavirus.

Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa imminka si toos ah ugu baaqaya dhallinyaradda dunida in ay si dhab ah u qaataan halista cudurka Coronvirus.

Ma tihiin dad aan dhiman karin, cudurka waxuu idin dhigi karaa cisbitaal dhowr toddobaad ama xitaa wuu idin dili karaa, ayuu yiri madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa mas’uulkan waxuu yiri, xitaa haddii aadan xanuunsan sida u dhaqanto iyo xulshooyinka aad sammeyso waxay u noqon kartaa farqiga u dhaxeeya nolol iyo geeri qof kale, ayuu yiri madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.