Xaglo-Toosiye Oo Beeniyey In Guddoomiyenimada KULMIYE Lagu Wareejinayo Wasiir Koore

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Xukuumaddii Kulmiye ee hore Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay, kuwaasi oo ahaa in Guddoomiye –nimada Xisbiga KULMIYE si ku meel-gaadh ah loogu dhiibayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Saleebaan Xaglo-toosiye wuxuu sheegay in aanay waxba ka jirin Wararka sheegaya in Guddoomiye-nimada Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE lagu wareejinayo Wasiirka Warfaafinta.

Dr. Xaglo-toosiye oo isagoo ku sugan Degmada Dharkeen-geeye ee Gobolka Sool la waydiiyey wuxuu kala socdo in Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) lagu wareejinayo Guddoomiye-nimada Kulmiye ayaa ku jawaabay “Arrintaasi wax jira maaha, Xisbigu Shirar ayuu leeyahay, Shirarkaasi way soo socdaan, waxaasi waa wax aad idinku (Warbaahinta) aad meelahaa ka tidhaahdeen, laakiin rasmi maaha..”