Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Dhaliilo Kala Duwan U Jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.

Hargeisa(GNN):-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo ka Tirsanaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Balse bilihii ugu danbeeyey si aan toos ahayn uga dhex muuqan xisbiga waddani ayaa dhaliilo kala duwan u jeediyey Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro.

“Waxa aan ka soo hor jeedaa Nidaamka Siyaasadeed ee uu Xisbiga Waddani ku Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan ciro macnaheedu maaha Xisbigii ayaan ka tagay Xisbiga Waddani waan ka tirsanahay waxaana isku fikir ka Taaganahay inta Xisbiga ka tirsan ee aan ku Qanacsanan Hogaaminta
Guddoomiyaha,Axsaabtu waxa ay u tafoxayteen in Sharciyadda Wadanka burburiyaan heshiis kasta oo ay galaan wuxuu ka hor imanayaa Dastuurka iyo sharciyada dalka waxaana mar walba Madaxweynuhu raacinayay waxa loo raaacayaa Nidaamka Sharci ee Wadanka u yaala”.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

Exit mobile version