Xisbiga KULMIYE Oo Isku Shaandhayn Sameeyey Iyo Magacyada Masuuliyiin La Magacaabay

Hargeisa(GNN):-Qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu sameeyey isku shaandhayn lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac maanta (12 March 2020), ayaa lagu shaaciyey xil-ka-qaadis, isku beddel iyo magacaabis cusub oo lagu sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha kala duwan ee xisbiga ee Gobolka.
Wareegtadaasina waxay u qornayd sidan:

Ku: Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud Timiro
Ku: Sacda Cabdi Xasan
Ku: Cabdicasiis Maxamed Yuusuf
Ku: Axmed Yoonis Juxa
Ku: khadar Sh. Ibraahim Dugsiiye
Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Og: Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, 2aad, 3aad, 4aad ee xisbiga KULMIYE
Og: Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Ujeeddo: Magcaabid, isku-Badel iyo Xil ka Qaadis

Mudanayaal;

Sida aad la socotaan, xilka xisbiga ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Gobol
Xoghayaha Dhallinyarada Heer Gobol
Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka
Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax
Guddoomiyaha Degmada Ibraahin Koodbuur

Magcaabid;

Markaan arkay muhiimadda dhismaha maamulka Degmooyinka iyo Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga,
Markaan ku qancay kartidooda, aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda,

Waxaan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta in aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Axmed Maxamed X. Cali Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol
  2. Maxamed Cabdi Yuusuf Xoghayaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol
  3. Mubaarik Cabdillaahi Haybe Madaxa Abaabulka iyo wacyigelinta Gobolka
  4. Maxamed Abiib Siikaawi Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur
  5. Muxiyodiin Cabdi Shiil Guddoomiyaha Degmada 26ka juun.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE,
ahna Kusimaha Guddoomiyaha.