Xubin katirsan Al-Shabaab oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay.

Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun Daai’in ku riday Xubin ka mid ah Kooxda Al-habaab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, kaasi  oo loo heysto in uu ka mid ahaa Al-shabaab, qeybooda fulisa weerarrada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Muqdisho(GNN):-Cabdiraxmaan ayaa 26-kii bishii September sanadkii 2019-kii lagu qabtay Baladul-Amiin, isaga oo dhaawac ah, sida saakay laga hor sheegay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo go’aamisay 17-kii Febraayo in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaana garsoorayaasha u sheegay in eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira.

Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu ka qeyb galay weerarro ka kala dhacay Bariire, Buulo-Mareer, Baraawe iyo Golweyn, tan iyo markii uu maleeshiyada Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-kii, xilligaas oo uu ka raacay magaalada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose.

Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in xukunsanaha uu heysto fursad rafcaan uu ku qaadan karo muddo ku siman 30-cisho gudahood.