Xukuumadda oo ka Hadashay Koox u Ololeynaysa inay dib u midoobaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhallanteed ku sifaysay koox qurbojoog ah oo Ingiriiska kaga dhawaaqay inay ka shaqeynayaan sidii ay mar kale u midoobi lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac oo maanta la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa sheegay in qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay go’aan shacab oo aan lagu safaadi karin, waxaanu  tilmaamay  in niyadsamidii ay Somaliland 1960kii ula midowday Soomaaliya uu u horseeday burbur iyo dhibaato kala duwan, waxaanu xusay in Shacbiga reer Somaliland ay mar kale iskugu yimaadeen Magaalada Burco oo ay ku go’aansadeen dib ula soo noqoshada madaxbannaanidoodii ay lumiyeen lixdankii.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu wuxuu sheegay inay Somaliland tahay qaran taabogalay oo shan Madaxweyne iska beddeleen, isla markaana aanay caqli gal ahayn inay dib ula midowdo Soomaaliya.

Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac waxa uu kooxdaas Soomaaliya u ololeynaysa  ku tilmaamay in aanay ka duwanayn dad badan oo hore uga tagay Somaliland, hase ahaatee aakhirka ay soo dalban doonaan in loo fidiyo  cafis marka ay ka soo quustaan Soomaaliya.