Duqa Degmada Gabiley ayaa ka tacsiyadeeyey Golaha degaanka Degmada Gabiley Geerida Xil. Cibaado Maax Cilmi”

Tacsi Maayer:-

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Duqa Degamada Gabiley ayaa ka tacsiyadeeyey Golaha degaanka Degmada Gabiley Geerida Xil. Cibaado Maax Cilmi

Gabiley-(D.H.D.G)- 25-03-020-()- Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada Gabiley ahna Duqa Degamada ayaa ka tacsiyadeeyey isaga oo ku hadlaya afka Maayernimo, ka gole-weynaha iyo ka shacabka Gabiley ee uu hogaamiyo, Golaha degaanka, Qaranka, qaraabada iyo umada reer Somalilandba geerida ku timidey Xil. Cibaado Maax Cilmi oo ka mid aheyd golaha degaanka Degmada Gabiley, Isla markaasina xaqii ku haleelay wadanka UK, Waxaanu Ilaahey uga baryey inuu janatul fardawsa ka waraabiyo marxuumada oo dirkii muuminiinta lala xidhiidhiyo, sidoo kale Qabrigana nuur iyo naxariis lagu casuumo.

Waxa kale oo uu Gudoomiyaha golaha degaanku si gaar ah uga tacsiyadeeyey qoyskii Reer Maax ee ay marxuumadu ka baxdey, waxaan yidhi Ilaahey samiriyo iimaan saadiqa ha inaga siiyo dhamaanteenba. Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi ayaa aheyd Mudane inta badan u adeega umadiisa oo u hagar-baxda gaar ahaan Arimaha bulshada oo ay inta badan golaha u qaabilsanayd isla markaasina ay aheyd Xildhibaan ku Suntan Guulaha ay gaadheen gole-weynaha ay ka tirsaneyd sidaa waxa yidhi Maayerka magaalada Gabiley Md: M-aamiin Cumar Cabdi.

Waa geeri xanuun badan balse waa xaq la wada mudanayo oo lagu kala horeynayo, Marxuumada waan u ducaynanaa in Allah “SWC” maqfiro balaadhan siiyo oo marti la jecel yahay looga dhigo hoygaa saxda ah. Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin.

Wa-Bilaahi Tawfiiq

Xafiiska War-baahinta iyo Wacyi-galinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley .