Askari ka tirsan AMISOM oo laga helay coronavirus

Askari ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Amisom ayaa laga helay cudurka covid-19, sida uu sheegay wargeyska Daily Monitor oo soo xiganayo afahayeen u hadlay ciidammada difaaca Uganda.

Askarigan oo ka tirsan ciidammada Uganda ee ku sugan soomaaliya ayaa haatan lagu daweynaya magaalada Muqdisho, sida uu sheegay wargeyska.

“Waa run, wuxuu kamid yahay ciidammada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya kaas oo laga helay coronavirus” ayuu yiri janaraal Karemire.

Soomaaliya waxay xaqiijisay 528 oo kiisaska coronavirus ah halka dhimashadu ay gaartay 28.

Exit mobile version