Baarlamaanka Ethiopia Oo Ansixiyey Xaaladda Degdega Ah Ee Dalkaasi Lagu Soo Rogay.

Addisabab(GNN):-Golaha Wakiilada Shacabka ee jamuuriyada dimuqraadiga faderelka Itoobiya ayaa ansixiyay bayaanka xaalada degdega ah.

Golaha Baarlamaanka ayaa goor dhaweyd ansixiyay bayaanka, si ay qayb uga noqoto dadaalada lagu dhimayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee Covid19, waxaanay  ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, sida uu magaalada Jigjiga uu kaga soo waramayo Wariye Cabdiraxmaan Buux.

Dhinaca kale Wasaarada caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa’ shaacisay in baadhitaan lagu sameyey 442 qof laga helay 9 kamid ah dadkaasi caabuqa Coronavirus taasi ayaa ka dhigaysa wadarta guud ee dadka laga helay Coronavirus ee dalka Ethiopia 65 qof.

Ethiopia ayaa Kamid dalalka ugu dadka badan Qaarada Madow ee Africa, walow ay wali xakameynayso Xanuunka Khatarta Badan galiyey dunida ee corona virus, iyadoo wadamada qaar ay tirada dhimashada iyo tirada dadka laga helayba ay kor u dhaafayaan boqolaal qof.

 

Gabiley News Network

Addisababa Ethiopia.