Booliska Koonfur Afrika ayaa waxa ay xireen nin “saaxiibtii ku tahriibinyay,” qeybta dambe ee gaari uu watay, xilli guud ahaan dalkaas ay ka jirto bandow la doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19, sida ay sheegayso sarkaal ka tirsan howlwadeennada gobolka Guateng ee dalkaasi.
Faith Mazibuko ayaa barteeda twitterka soo dhigtay in haweenayda laga soo saaray qeybta dambe ee gaariga xilli Jimcihii uu gaarigu soo istaagay bar koontarool oo laga dhexsameeyay wadada oo gobolkaas ku taal.
Waxa ay intaasi ku dartay in darawalka oo aanan haysan warqad ogolaansho ah oo uu ku soconkaray uu u socday gobolka bariga dalkaas ku yaal ee Mpumalanga.
Waxa ay barteeda twitterka soo dhigtay in haweenayda loo xiray inay “ogolaatay in la tahriibiyo”.