Britain Oo Loogu Baaqay Inay Baadho Sababata Shaqaalaha Caafimaadka Ee Afrika, Asia Iyo Bariga U Dhimanayaan.

London(GNN):-Madaxa Ururka Dhakhaatiirta dalka Britain ayaa dawladda dalka Ingiriiska ugu baaqay inay baadho sababta ay Coronavirus ugu dhimanayaan Dhakhaatiirta laga tirada badan yahay ee Madow iyo Asianka ah, kuwaas oo u badan dadka u dhimanaya cudurkan sida xawliga ah u fidaya.

Markii ugu horaysay waxa dhacday in toban dhakhtar oo ku geeriyhooday dalka UK cudurka Coronavirus awgii inay dhamaantoodba noqdeen dhakhaatiirta ka soo jeeda Asia, Bariga dhexe iyo qaarada Afrkia.

Dr Chaand Nagpaul ayaa sheegay in shaqaalaha BAME oo iyadu shaqaalaha ka noqonaya boqolkiiba 44 ay xaqiiqo tahay in dhamaan shaqaalaha caafimaadka ee Coroonavirus u dhimanayaa ay dhamaantood ka soo jeedaan qoomiyada laga tirada badan yahay, ee asal ahaan ka soo jeeda Afrika, Bariga Dhexe iyo Asia.