Cabsi la xiriirta cudurka COVID-19 oo ka taagan Boorama

Cabsi ayaa soo food saartay bulshada ku nool magaalada Boorama, intii ka dambaysay hadalkii wasiirka caafimaadka Somaliland 13-kii bishan uu ku dhawaaqay in hal qof oo ku sugan magaalada laga helay xanuunka Coronavirus.

Maamulka gobolka iyo bahda caafimaadka ayaa arrintaas diyaari garow ka galay, si looga hortago faafitaanka cudurkan ee magaalada.

Dhaqaatiirta ayaa bulshada ugu baaqaya inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo cudurka, ayaga oo sheegay inay adkaan doonto in la xakameeyo haddii uu mar faafo.