Coronavirus: Dad ku xayiran xadka Jabuuti iyo Somaliland

Shacab u dhashay dalka Jabuuti ayaa ka cawday dhibaata ku haysata magaalada Lowyacadde ee xadka ku taallo oo ay maalmo ku go’doonsan yihiin.

Dadka cabanaya oo u badan dumar oo ku xayiran magaalada xuduudeedka Lowyacadde oo ganacsi u aaday dhinaca Somaliland ayaa dwladda Jabuuti ka codsaday iney dhibaatada haysata degdeg wax uga qabtaan oo loo oggolaado iney dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Dowladda Jabuuti waxay dalkeeda kaga dhawaaqday banddow 2 toddobaad soconayo si looga hortaggo faafidda Covid-19.

“Waxaan imika ku suganahay…muddo shan habeen ah iyo shan dharaarood ah xadka Loowya cadde…warna ma heyno..madaxda reer Jabuuti waxaan leenahay, nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishiin oo aad noo timaaddiin oo aad na aragtiin oo wax na weyddiisiin, maxaad u diideen oo inoo dhageysaneysaan” waxaa sidaas tiri, Sucaado Daahir Jaamac oo ku xayiran xadka Loowya-Cadde xilli ay BBC-da la hadleysay.

Dalka Jabuuti dadka uu cudurka Coronavirus ku dhacay waxay gaareen 40 qof iyada oo 2-di qof ee ugu horreysay ee laga helay cudurka ka bogsatayna laga fasaxa xarun karantiil oo ku taalla gobolka Carta.

Waxaan isku daynay in aan xariir la sameyno wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Jabuuti si aan wax uga weyddinno arrintan balse inooma suurogelin.