Wasiirka Caafimaadka Brazil ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii uu jawaab la mid ah kuwa caalamka ka bixiyay fayraska corona ee safmarka ah.
Luiz Henrique Mandetta wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray in warqadda shaqada looga ceyriyay uu ka helay Mr Bolsonaro, madaxweynaha Brazil.
Madaxweyne Bolsonaro wuxuu si aan qarsooneyn u cambaareeyay Mandetta oo shacabka ugu baaqay in aysan isu soo dhowaan ayna guryaha iska joogaan.
Hoggaamiyaha dalka Brazil wuxuu diiday hadalladaas iyo tallaabooyiinka la qaaday, wuxuuna diidan yahay in fayraska corona uu halis yahay. Wuxuu sheegay in “hergeb iska yar” uu yahay xanuunkan Covid-19.
Farriinta Twitter-ka wuxuu Mr Mandetta ku yiri: “Waan u mahadcelinayaa dhammaan kooxda igala shaqeyneysay wasaaradda caafimaadka. Waxaan Alle ka baryayaa inuu guul gaarsiiyoo dalkeena.”
Waxaa jiray khilaaf isbuucyo qaatay oo u dhexeeyay madaxweynaha iyo wasiirkiisa. Madaxweynaha ayaa wax fudud u arka fayraska wuxuuna xayeysiiyay dawo aan la ansixin, halka Mr Mandetta uu si wayn dadka ugu baraarujiyay in ay raacaan talooyiinka daafaha caalamka oo dhan laga dhaqangeliyay.
Wasiirka Caafimaadka wuxuu amaanay Gudoomiyeyaasha gobollada ee bandowga soo rogay, halka weerar ay kala kulmeen madaxweyne Bolsonaro.
Xiisadda ayaa Axaddii sare u sii kacday ka dib markii wasiirka uu wareysi siiyay Telefishin isagoo dowladda u sheegay in hal cod oo mideysan ay ku hadasho taas oo u muuqatay cambaareyn ka dhan ahayd jawaab uu bixiyay madaxweynaha Brazil.
Warka ah in shaqada laga ceyriyay wasiirka caafimaadka waxaa ka qeylo dhaamiyay dadka Brazil ee iskood isu go’doomiyay – kuwaas oo balakoonka uga sacbiyay. Waxayna muujiyeen carada ay u qabaan Jair Bolsonaro iyo sida uu u maareeyay xaaladda cakiran.
Maadaama uu hadda xilka ka tagay Luiz Henrique Mandetta, waxay taas soo afjareysaa khilaafkii adkaa ee u dhexeeyay labada siyaasi ee uu hareeyay dhibka hortaagnaa dagaalka la xiriira Coronavirus. Balse waxay fureysaa bog cusub – Walaaca taaganna wuxuu yahay sidee Brazil u maareyn doontaa xaaladda caafimaad ee degdegga ah iyadoo wasiir cusub uu imaanayo.
Mr Mandetta waxaa si buuxda loogu amaanay wargelintiisii maalinlaha ahayd iyo hoggaanka wanaagsan – Wuxuu ahaa nin sheegay in aragtidiisa ay ku saleysan tahay hannaan seynis iyo talada caafimaadka caalamka. Tirada taageerayaashiisa ayaa sare u kacay isbuucyadii la soo dhaafay, balse Bolsonaro, oo shaqa ka ceyrinta ku micneeyay “is nabadgelin”, wuxuu lumiyay taageerayaal aad u badan, waxaana hoos u dhacay sumcaddiisa.
Wuxuu si shaac ah ugu oriyay tallaabooyiinka adag ee wasiirka uu soo rogay, wuxuuna ku adkeystay inuu dibadda u baxo uuna gacanta ku salaamo dad badan.
In xilka laga qaado wasiir caafimaad iyadoo xaaladdan adag lagu guda jiro – weliba dal ay shaqaalaha caafimaadka ka digayaan in hannaanka caafimaadka uu isku dhex burburo – ma ahan saacaddii ugu wanaagsanayd ee Bolsonaro.
Horraantii Khamiistii, wuxuu koox khubaro caafimaad ah u sheegay in uu filayo in Jimcaha uu banaanka shaqo u aado.
“Waxaan diiradda saareynaa fayraska waana inaan aad uga fiirsano sida aan u taageereyso qof kasta oo halkan yimaada, ma sameyn doonno dhaqdhaqaaqyo degdeg ah,” ayuu ka yiri hadal si toos ah loo baahinayay.
Mr Mandetta ayaa sidoo kale sheegay inuu og yahay in farqi dhanka aragtida ah uu u dhexeeyo isaga iyo Bolsonaro, ayna ka wada hadleen sidii loo bedeli lahaa madaxa shaqaalaha Madaxtooyada.
Wuxuu sidoo kale lataliyeyaashiisa u sheegay Talaadadii in uu filayo in shaqada laga ceyriyo isbuucan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Guud ahaan, 1,764 oo qof ayaa Covid-19 ugu dhimatay Brazil, halka dalkaas laga helay 29,165 oo kiisas, sida ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins.